Golaha wasiiradda Soomaaliya oo dadka Soomaaliyeed u jeediyay ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalka

Golaha wasiiradda Soomaaliya. [Isha Sawirka: SNTV]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed u jeediyay ilaalinta madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Kulankoodii todobaadlaha ah oo maanta oo Khamiis ah ay yeesheen ayaa goluhu ku sheegay in ay waajib tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida dalka Soomaaliya.

Tilaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Itoobiya ay doonayso in ay si sharco daro ah ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya kadib markii ay waxay ugu yeertay is-afgarad la gashay maamulka waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taasoo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadahadalo dadban oo ay Turkigu dhexdhexaadinayay oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan heshiiskii Addis Ababa iyo Somaliland oo bishii la soo dhaafay lagu qabtay Ankara ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan kadib markii Itoobiya ay ka dhago adaygtay in ay ka baxdo heshiiskaas sharci darada ah.

Beesha caalamka ayaa soo jeedisay in la ilaaliyo midnimada dhul iyo badeed ee Soomaaliya lagana fogaado wax kaska oo gobolka ku keeni kara amni daro iyo xasarad, iyadoo Geeska Afrika ay ka socdeen dagaalo ku salaysan afkaar diineed iyo mid siyaasadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*