Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Boosaaso ku qabatay barnaamijka labaad ee biyo dhaanka gurmadka abaaraha.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulanka lagu daahfurayay baarnaamijka labaad ee biyo dhaamiska ah ka qeybgalay ayaa sheegay in 4,000 booyadood oo biyo ah la gaarsiin doono sagaalka gobol ee Puntland, gaar ahaan deegaanada ay abaartu sida daran u saamaysay.
Cabdiweli ayaa sheegay in dowladda ay sii wadayso gurmadka biyo dhaamiska ah ee dadka ay abaartu saamaysay ilaa roob da’o.
Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo sannado ah, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo.