DFS oo cambaaraysay xad-gudubyada Itoobiya ee amniga iyo madaxbanaanida Soomaaliya

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Villa Somalia]

Muqdisho-(Puntland Mirror)  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay sidoo kalena sheegtay in ay si weyn uga soo horjeedo xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso amniga iyo xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay ku wiiqayso amniga dalka sida, in ay dalka kusoo daabusho hub sharci-darro ah iyo in ay gudaha dalkeeda ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

“Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya ku uruurisay maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo labo diyaaradood, oo sida aan xogta ku hayno, ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.” War-saxafaadeedka ayaa intaas ku daray.

Dawladda Soomaaliya ayaa uga digtay shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *