Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin baaqa gogosha ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan, oo xilkiisu dhammaanayo May 2026-ka, ayaa ku baaqay in uu dhigayo wadahadal lagu xallinayo arrimaha cakiran ee dalka, oo ay ka mid yihiin khataraha kooxaha argagixisada ah.
Inkasta oo siyaasiin caan ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore, ay soo dhaweeyeen wadahadalka, haddana wali ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ah saamileyda ugu waaweyn ee siyaasadda dalka.