Deni oo isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiiradda

Puntland Mirror
0 Min Read

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay liiska cusub ee golaha wasiirrada, wasiir-ku-xigeennada iyo wasiiru-dawlayaasha, kadib isbeddel lagu sameeyay xukuumadda, sida lagu sheegay bayaan uu akhriyay afhayeenka madaxtooyadda.

Golaha wasiirrada cusub ayaa ka kooban xubno kala hoggaaminaya wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Duulista Hawada, Haweenka, Warfaafinta, Xannaano Xoolaha, Deegaanka, Kalluumaysiga, Gargaarka, Beeraha, iyo Dhalinyarada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay wasiir-ku-xigeenno iyo wasiiru-dawlayaal ka kala shaqeyn doona wasaaradaha kala duwan.

Waa isku shaandhayntii ugu horeeyay ee madaxweyne Deni uu sameeyo tan iyo markii dib loo doortay Janaayo 2024.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *