Dadka kunool saddex degmo oo gobolka Nugaal oo u codeeyay goleyaasha deegaanka

Gabar codkeeda ka dhiibanaysa goleyaasha deegaanka gobolka Nugaal, July 23, 2024. [Isha Sawirka: PEC]

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada golaha deegaanka ee saddex degmo ayaa maanta oo Talaado ka qabsoontay degmooyinka gobolka Nugaal kadib markii ay dib uga dhaceen sanadkii hore sababo khilaaf siyaasadeed.

Ku dhawaad 60 kun qof oo is-diiwaangeliyay oo kunool degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ayaa codkooda dhiibtay, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Sideed xisbi siyaasadeed ayaa ku tartamaya kuraasta goleyaasha deegaanka ee saddexdan degmo.

Saddexda degmo ayaan laga qaban doorashada goleyaasha deegaanka Puntland ee sanadkii 2023, sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay xukuumada Siciid Cabdullahi Deni iyo siyaasiyiin mucaarad ah xilligaas.

Puntland Mirror oo kormeer ku sameeyay qaar kamid ah seejooyinka codbixinta Garoowe ayaa ogaatay in ay aad u yaraayeen dadka codaynta u soo baxay marka loo eego tirada isdiiwaangelisay, inkastoo PEC aysan si rasmi ah u soo saarin tirada dadka maanta saddexdaas degmo ka codeeyay.

Waxaa la filayaa in tirinta codadka ay isla caawa bilaabmato, sida ilo-wareedyo katirsan PEC ay u sheegeen Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*