Ciidamada Puntland oo fashiliyey weerar ay ISIS ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Haraayo

Puntland Mirror
0 Min Read
Gaadiid ciidan oo ku sugan Tog-jaceel. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa fashiliyey weerar ay kooxda ISIS ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Haraayo ee Tog-jaceel ee buuralayda Caal-miskaat ee gobolka Bari, aroornimadii Talaadada, sida ay sheegeen ciidanku.

Qiyaastii 15 dagaalyahan oo watay walxaha qarxa ayaa weerarka ku qaaday saldhiga, waxaana dhammaantood lagu dilay goobta.

Sawirrada dagaalyahannada la dilay ayaa lagu baahiyey barta Telegram-ka ee loo sameeyey howlgalkan ka dhanka ah argagixisada. Inta badan weeraryahannadu waxay ahaayeen ajaanib.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *