Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Kenya Kornayl Col Joseph Owuoth, weerarka oo ahaa mid cir iyo dhul ah ayaa ciidamada Kenya qaadeen shalay oo Axad ahayd.
Hub ay kamidyihiin11 qori oo AK-47 ah iyo walxaha qarxa ayaa weerarka lagu soo qabtay, sida uu sheegay afhayeenku.
Tirada dhimashadu maahan mid si dhaqso ah oo madax-banaan loo xaqiijin karo.
Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in ay ku duulaan koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula diriraan Al-Shabaab, taasoo wali weeraro ka wada deegaanada saaran xadka sida waqooyi-bari Kenya.