BEEN ABUUR: Sawirka sheegaya in nin oday ah lagu dilay duqaynta Caal-miskaat ma ahan mid run ah

Abdi Omar Bile
By
Abdi Omar Bile
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism...
0 Min Read

Sawirka waxa uu online ahaa ilaa 2018-kii.

Qoraalkan la soo dhigay Facebook oo wata sawir muujinaya nin oday ah waa BEEN ABUUR.

“Caawa duqeentii buuraha ee daacish waxa kudhintey sodogey Ciise jibriil Nuur oo kasoo jeeday beesha cali saleebaan gaar ahaan biciidyahan Cali. Guud ahaan qoyska iyo ehelada adeer kabaxay samir rabbi ha inaga siiyo dhamanteen .gaar ahaan Xaaskeyga sacdiyo Caasha[Keyf] Ciise. Adeer wuxuu kooxdaan kubiiray 7bilood kahor.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheegashadan ayaa la faafiyay kadib markii duqeymo lala eegtay saldhigyo ay Daacish ku lahaayeen deegaano kuyaala buuraha Caal-miskaat ee gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya, gelinkii dambe ee Sabtida, sida ay xaqiijiyeen dowladda Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Mareykanka.

Haddaba si aan u xaqiijino sawirkaas, bog wareedka Puntland Mirror ayaa Google-ka ku sameeyay sawir baaris wuxuuna ogaaday in sawirkaas mar hore la daabacy, sida ka muuqata halkan, halkan iyo halkan.

Intaas waxaa dheer, baarista aan ka samaymay Google-ka kama soo bixin natiijooyin waafaqsan sheegashada kor ku xusan.

Bog wareedka Puntland Mirror oo baaris ku sameeyay qoraalka wata sawirada oo lagu sheegay nin oday ah oo lagu dilay duqeyntii deegaanada Caal-miskaat ayaa ogaaday in qoraalkaas uu been abuur yahay.

Xaqiiqa hubintan waxaa soo saaray bog wareedka Puntland Mirror, oo kamid ah African Fact-Checking Alliance (AFCA). Sidoo kalena haysta shahaadada xog hubinta (fact-checking) oo ay siisay Meta iyadoo u soo marisay mashruuca African Fact-Checking Incubator programme oo ay fulisay Code for Africa 2024.

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism Network (OCJN) and a professional fact-checker.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *