Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku baaqay in wada-hadal laga yeesho xaaladda siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeed Isniintii ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku casuumay shir wada-tashi ah oo Muqdisho ka dhacaya 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar.
War-saxaafadeedku ma faahfaahin ajandaha shirka iyo qodobada gaarka ah ee laga wada-hadli doono, balse waxa uu ku koobnaa xusitaanka wada-tashi qaran.
Muddadii xil-haynta ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxay ahayd inay dhammaato bishii Maajo 2025. Hase yeeshee, maamulka hadda jira wuxuu ku doodayaa in Dastuurka cusub uu dhigayo muddo-xileed shan sano ah.
Isbeddelka lagu samaeeyay dastuurka ayaa weli muran xooggan ka taagan yahay, iyadoo maamullada Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale mucaaradka siyaasadda, ay si adag uga soo horjeedaan.
