Saxaafiyiinta Puntland oo Garoowe ka dhigay dibad-bax ay ku dalbanayaan xorriyadda Suweys Gacayte

Puntland Mirror
0 Min Read
Mid kamid ah warbaahinta oo sidata boorar uu ku qoranyahay "Sii Daaya Suweys Gacayte.". [Xigashada Sawirka: Maxamuud Nadiif]

Garoowe-(Puntland Mirror) Saxaafiyiinta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Garoowe ku dhigay dibad-bax ay ku dalbanayeen in xorriyaddeeda dib loogu soo celiyo weriye Suweys Gacayte, oo ciidamada ammaanku ku xireen magaalada.

Saxaafiyiinta ayaa socod ku maray waddada weyn ee Garoowe iyagoo sitay boorar ay ku qornaayeen “Sii Daaya Suweys Gacayte.”

Maamulka Puntland weli wax war ah kama uusan soo saarin sababta loo xiray weriyahan, oo si weyn loogu yaqaan barnaamijyadeeda vox pop-ka ah ee ay bulshada aragtidooda ku wareysato.

Puntland ayaa kamid ah deegaanada nabdoon ee Soomaaliya, wallow ay weli jirto xadidnaan warbaahinta oo dhanka hay’adaha dowladda kaga yimaada.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *