Waxgaradka Nugaal oo ku guuleystay xallinta xiisaddii u dhexeysay Puntland iyo Ciidamada Danab

Puntland Mirror
0 Min Read
Xubnaha gobolka Nugaal ee ku jirtay xal u helista khilaafka. [Xigashada Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Waxgarad ka soo jeeda gobolka Nugaal ayaa sheegay inay ku guuleysteen xallinta xiisaddii u dhexeysay maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ciidamada Danab ee uu u taliyo Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar.

Shir jaraa’id oo ay fiidnimadii Talaadada ku qabteen Garoowe ayay waxgaradkan, oo ay ku jireen mas’uuliyiin hore iyo odayaal dhaqameed, ku sheegeen in xiisadda la soo afjaray. Waxay sidoo kale caddeeyeen in ciidamada Danab ay yihiin qayb ka mid ah ciidamada Puntland, iyagoo intaa ku daray in arrimaha harsan lagu dhammayn doono wada-hadal.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii maamulka Puntland uu ku eedeeyay Jeneraal Jimcaale inuu aqbalay magacaabista taliyaha Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee, ilo ku dhow Jeneraalka ayaa sheegay in warkaasi aanu sax ahayn.

Horraantii 2025, Puntland ayaa joojisay mushaharka ciidamada Danab, hase yeeshee tan iyo xilligaas dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii waday bixinta mushaharkooda.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *