Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in muddadii rasmiga ahayd ee xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku ekayd maanta, 14 Abriil 2026, isla markaana aanay hadda wixii ka dambeeya awood u lahayn inay ansixiyaan wax sharci ah.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku daray in Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Shiikh Maxamuud, ay muddo hal bil ah ay ka harsantahay muddo xileedkiisii afarta sanada ahayd.
Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweynaha xilka haya inuu si degdeg ah u soo bandhigo qorshe ku saabsan doorashada soo socota, si looga hortago saameyn muddo dheer oo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ah.
