Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Sabtidii sheegay in uu mabda’ ahaan oggol yahay ka-qaybgalka gogosha siyaasadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, balse ku xiray shuruudo ay ku jiraan in aan wax laga beddelin Dastuurka Ku-meel-gaarka ah iyo in ajendaha kulanka lagu koobo arrimo qaran oo la isku raacsan yahay.
Goluhu, oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in ka-qaybgalka gogoshu uu ku xiran yahay in aan “la jebin ama la hareer-marin Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee la ansixiyay 2012-kii.”
Waxa uu sheegay in ajendaha kulanka uu ku ekaado qodobbo ay ka mid yihiin amniga guud, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Federaalka, ilaalinta midnimada dalka iyo ka wadahadlidda xaaladaha bini’aadantinimo.
Goluhu wuxuu sidoo kale adkeeyay in gogoshu noqoto mid loo dhan yahay, isla markaana ay ka qeybgalaan dhammaan dhinacyada ay quseyso dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19-kii Janaayo ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo la filayo in 1-da Febraayo ka furanto Muqdisho, xilli uu dalku wajahayo khilaaf siyaasadeed iyo caqabado amni.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in haddii shuruudahooda la ixtiraamo, ay diyaar u yihiin ka-qaybgal “mas’uuliyad ku dhisan” oo ujeedkiisu yahay in laga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo firaaq sharciyeed.
