Soomaaliya oo laashay heshiisyadii amni ee Imaaraadka ee ku saabsanaa dekedaha waaweyn

Puntland Mirror
0 Min Read
Golaha wasiiradda Soomaaliya. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee ay la gashay Imaaraadka Carabta ee la xiriiray dhowr dekedood oo muhiim ah, iyadoo ku sababeeysay “xadgudubyo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada qaranka iyo go’aan-qaadashada siyaasadeed ee dalka,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha maanta oo Isniin ah.

Go’aankan ayaa lagu saleeyay “warbixinno iyo caddeymo xooggan oo muujinaya falal khaldan oo wiiqaya madax-bannaanida, midnimada qaranka iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada, ayaa lagu go’aamiyay in la laalo dhammaan heshiisyadii iyo wada-shaqayntii la xiriiray dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, sida bayaanka lagu caddeeyay.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise-sharciyeed ku saabsan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo weliba hindise kale oo ku saabsan xallinta khilaafaadka, sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hindise-sharciga la xiriira ilaalinta madax-bannaanida ayaa dhigaya in maamul-goboleedyada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay aysan geli karin heshiisyo ay la saxeexdaan dhinacyo shisheeye, haddii aan marka hore la ogeysiin dowladda federaalka, lagana helin oggolaansho rasmi ah, isla markaana ay kormeerto wasaaradda ay khusayso.

Go’aankan ayaa daba socday baaritaan ay sameysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa eedeymo la xiriira isticmaal aan la oggoleyn oo lagu sameeyay hawada Soomaaliya, ka dib markii la sheegay in Cidaruuus al-Zubaidi, hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), uu u maray dhulka Soomaaliya.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa horay u sheegay in al-Zubaidi uu diiday inuu u hoggaansamo amar lagu farayay inuu u safro Riyadh si wadahadallo loogu galo, taa beddelkeedana uu bilaabay abaabul ciidan oo ku wajahan gobolka Al-Dhale ee koonfur-galbeed Yemen.

Afhayeenka isbahaysiga, Jeneraal Turki Al-Maliki, ayaa markii dambe sheegay in al-Zubaidi uu ka baxay Cadan isagoo badda maray, ka hor inta uusan diyaaradda ka raacin gobolka, arrintaas oo ay beenisay STC, oo ku adkeysatay in hoggaamiyahoodu weli ka howlgalo magaalada.

Bayaan uu soo saaray Khamiistii, Al-Maliki ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay fududeeyeen bixitaanka al-Zubaidi iyagoo u maray dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu raacay diyaarad ay la socdeen “dadkii wehlinayay, kuwaas oo hoos imanayay kormeer saraakiil Imaaraad ah.”

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *