Khilaaf iyo dib u dhac ku yimid shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee Kismaayo

Puntland Mirror
0 Min Read
Xubno katirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka la filayay in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee u dhexeeya golaha la yiraahdo “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” ayaa dib u dhacay, kaddib muran ka dhashay ka qaybgalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo aan xubin ka ahayn golahaas lagu dhisay Kenya bishii Oktoobar, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay bog wareedka Puntland Mirror.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha ayaa diidan ka qaybgalka Farmaajo, waxaana weli taagan khilaafkaas. Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa muujiyay inuu soo dhoweynayo Farmaajo ka qaybgalka shirka, kaas oo lagu wado in diiradda lagu saaro doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya ee soo socda.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *