Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay fulisay duqayn cirka ah oo lagu dilay oday dhaqameed deegaanka ah, Cumar Cabdullaahi Cabdi, taas oo ka dhacday gobolka Sanaag ee Puntland, sida ay sheegtay AFRICOM.
War-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Arbaco ah, Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay duqaymo ka fuliyeen 13-kii September, 2025 agagaarka magaalada Baran, taas oo lagu bartilmaameedsaday nin hub u kala qaadi jiray kooxda Al-Shabaab.
Arrintan ayaa dhacaysa iyadoo bulshada ku nool gobolka Sanaag ay dibadbaxyo ka dhigeen dilka odayga, iyagoo ka dalbanaya maamulka Puntland in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdadan, inkastoo aysan weli ka hadlin saraakiisha Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in oday dhaqameedka uu dhawaan yimid magaalada Boosaaso, halkaas oo uu qeyb ka ahaa wafdi ka socday Sanaag oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, bishii hore.