Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka Puntland ayaa fashiliyey weerar is-miidaamin ah oo ay maleeshiyada ISIS ku qaadi lahaayeen deegaanka Miiraale ee Buuraha Caal-Miskaat, saaka aroortii hore, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ciidan.
Sawirro lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujinaya maydadka dagaalyahanada ISIS, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib.
Jimcihii, ciidamada ayaa weeraray saldhig ka mid ah kuwa ay ISIS ku leedahay deegaanka Miiraale, halkaas oo dagaalyahanadii haray ay isku uruursadeen.
Puntland ayaa bilaawday duullaan ka dhan ah ISIS horraantii bishii Janaayo ee sanadkan, si ay u soo afjarto kooxdan argagixisada ah. Ciidamada ayaa si guul leh uga xoreeyay inta badan goobihii ay ISIS ku xoogga badnayd, waxaana hawlgalkaasi lagu dilay dagaalyahano badan oo ka tirsan kooxdaas.