Laascaanood-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmiya SSC-Khaatumo ugu aqoonsatay dowlad goboleed, iyadoo ku biiri doonta dowlad goboleedyadii jiray, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya.
Asbuucaan horaantiisii ayaa Raysulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxa uu safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood ee SSC-Khaatumo, isagoo wadahadalo la yeeshay madaxda SSC-Khaatumo.
“Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa goaankii 6-dii Febaraayo 2023 ee isimada dhaqanka iyo waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ay ugu aqoonsatay maamul maamul kumeelgaar ah 19-kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajirka dadkeeda, kadib markii ay xaqiijiyeen ka go’anaanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha dowladnimada, isla markaana si faahfaahsan loo darsay horumarka laga sameeyay dhammaystirka dastuurka iyo u diyaar garowga shirka guud ee SSC-Khaatumo, waxay xukuumaddu go’aansatay in DFS u aqoonsatay dowlad goboleed, laguna dhammaystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqoto Golaha Wadatashiga Qaran, sidoo kalena deegaanada SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransanyahay.
Waxay DFS amartay in haya’daha DFS iyo kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada Soomaaliya ay uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida deegaanada kale ee Soomaaliya ay uga howlgalaan.