Golaha wasiirrada DFS oo ansixiyay heshiis baasaboorka diblomaasiga ah oo ay la galeen Masar

Puntland Mirror
0 Min Read
Shirka golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: OPM/Xafiiska Raysulwasaaraha]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, sida lagu sheegay war-saxaafaeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

“Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan labada dal muddo 90 maalmood ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Heshiiska ayaa labada dal ay kala saxiixdeen 23-kii Janaayo 2025 markaas oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu safar ku tagay dalkaas, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *