Sawirka waxa uu online ahaa ilaa 2018-kii.
Qoraalkan la soo dhigay Facebook oo wata sawir muujinaya nin oday ah waa BEEN ABUUR.
“Caawa duqeentii buuraha ee daacish waxa kudhintey sodogey Ciise jibriil Nuur oo kasoo jeeday beesha cali saleebaan gaar ahaan biciidyahan Cali. Guud ahaan qoyska iyo ehelada adeer kabaxay samir rabbi ha inaga siiyo dhamanteen .gaar ahaan Xaaskeyga sacdiyo Caasha[Keyf] Ciise. Adeer wuxuu kooxdaan kubiiray 7bilood kahor.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheegashadan ayaa la faafiyay kadib markii duqeymo lala eegtay saldhigyo ay Daacish ku lahaayeen deegaano kuyaala buuraha Caal-miskaat ee gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya, gelinkii dambe ee Sabtida, sida ay xaqiijiyeen dowladda Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Mareykanka.
Haddaba si aan u xaqiijino sawirkaas, bog wareedka Puntland Mirror ayaa Google-ka ku sameeyay sawir baaris wuxuuna ogaaday in sawirkaas mar hore la daabacy, sida ka muuqata halkan, halkan iyo halkan.
Intaas waxaa dheer, baarista aan ka samaymay Google-ka kama soo bixin natiijooyin waafaqsan sheegashada kor ku xusan.
Bog wareedka Puntland Mirror oo baaris ku sameeyay qoraalka wata sawirada oo lagu sheegay nin oday ah oo lagu dilay duqeyntii deegaanada Caal-miskaat ayaa ogaaday in qoraalkaas uu been abuur yahay.
Xaqiiqa hubintan waxaa soo saaray bog wareedka Puntland Mirror, oo kamid ah African Fact-Checking Alliance (AFCA). Sidoo kalena haysta shahaadada xog hubinta (fact-checking) oo ay siisay Meta iyadoo u soo marisay mashruuca African Fact-Checking Incubator programme oo ay fulisay Code for Africa 2024.