Shirka amniga iyo isbeddelka cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ha’yaddo kala duwan ka socda. [Isha Sawirka: SONNA]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirka oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa looga doodi doonaa saameynta isbeddelka cimiladu ku leedahay labo-jibbaaridda khataraha amniga qaranka, sida colaadaha ka dhasha isku qabsiga dhul-daaqsineedka iyo baraha waraabka xilli abaareedka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka la rumaysanyahay in isbedelka cimiladu ay saamayn weyn u geysatay, iyadoo loo aanaynayo abaaraha soo noqnoqda iyo fatahaadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*