Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda dowladda Puntland ayaa fiidnimadii Sabtida meelmariyay miisaaniyadda sanadka 2021, kadib kulan golaha uu ku yeeshay Garoowe, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda.
Miisaaniiyadda 2021 ayaa lagu qiyaasay $341 milyan taasoo shan milyan ka yar tii sanadka 2020 oo ahayd $346 milyan.