Madaxweynaha dowladda Puntland oo safar shaqo ugu ambabaxay dalalka Itoobiya iyo Shiinaha

gaas-safar
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Jimce ah safar shaqo ugu baxay dalalka Itoobiya iyo Shiinaha.

Safarka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu caasumaad ka helay dalalkaas.

Madaxweyne Cabdiweli oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha kumeel gaarka ah ee Kanooko ee kuyaala caasimada Puntland ee Garoowe ayaa ka hadlay safarkiisa uu ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Shiinaha.

”Waxaan saaka u ambabaxayaa dalka Itoobiya iyo socdaal gaaban oo aan ku gaari doono dalka Shiinaha, dalka Itoobiya waxaan u aadi doonaa arrimo la xidhiidha iskaashiga amaanka iyo arimihii noosocdey ee haa iskaashiga dhanka ganacsiga, socdaal gaaban oo dhowr beri qaadan doonana waxaan ku tegidoona wadanka Shiinaha  oo aan u aadi doono hawlo laxidhiidha horumarinta Mashariicda” ayyuu yiri madaxweynaha dowladda Puntland.

“Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo safar kayaga wax fiicana uga soo baxaan dadka iyo dalka Puntland, sidoo kale waxan ku dardaarmayaa labadii arimood ee ahaa ladagaalanka argagixisada dalka ku soo duushey iyo  sidoo kale  gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu wax yeleeyeen” ayuu ku daray Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayna, safarkan madaxweynaha uu ugu ambabaxay dalalka Itoobiya iyo Shiinaha ayaa waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dowladda Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*