Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo dhinacyada dibada ee ku lugta leh ka codsaday in ay joojiyaan farogelinta arrimaha Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat. [Lahaanshaha Sawirka: Getty Images]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhacdooyinka sii kordhaya ee farogelinta ah oo dhinacyo aan Afrikan ahayn ay ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa Axadii oo u dhaxeeyay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Faki sheegay in ficilada noocaas oo kale ah ay khatar gelin karaan dadaalada nabad-dhisida Soomaaliya.

Iyada oo aan lasoo xigan wadamo khaas ah, Faki ayaa ka codsaday cid walba oo katirsan dhinacyada dibada in ay joojiyaan ficil walba oo laga yaabo in uu wiiqo horumarka Soomaaliya, isaga oo sheegay in ficilkaas oo kale ay khatar ku yihiin tilaabooyinka horumar ee laga sameeyay gudaha Soomaaliya taasoo ay mahadeeda leeyihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ciidamada Soomaaliya.

Faki ayaa bogaadiyay horumarka ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii marxalada kumeelgaarka ahayd, kaasoo siinaya in si tartiib ah ay masuuliyada ammaanka looga wareejiyo AMISOM ayna la wareegaan ciidamada Soomaaliya.

Khiaafka Khaliijka hadda jira oo sanad kahor bilaabmay ayaa saameyn weyn ku yeeshay Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*