Articles by: Puntland Mirror News Desk

Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabduqaadir Maxamed Nuur. [Sawir Hore]

Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo loo magacaabay la taliye sare

Muqdisho-(Puntland Mirror) Agaasime ku xigeenkii hore ee haayada sirdoonka qaranka ee NISA ayaa loo magacaabay la taliye sare. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh ayaa Cabduqaadir Maxamed Nuur u magacaabay la taliyihiisa sare, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maanta oo Sabti ah. Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime ku xigeenkii hore ee[Read More…]

by August 18, 2018 0 comments Somali News
Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgan Bekar. [Xigashada Sawirka: Anadolu]

Turkiga oo sheegay in aysan wadamo kale kula tartamayn gudaha Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Turkigu tartan kulama jiro wadan walba oo kale ee xal doonista colaadaha Soomaaliya, sida uu sheegay danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho. “Anagu marnaba loolan lama gelin daneeyaasha Soomaaliya… Turkigu wuxuu balaariyay jaceylka iyo rajada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii,” Olgan Bekar ayaa sidaa u sheegay wakaalda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo iska fogeeyay eedaha sheegaya in ay[Read More…]

by August 18, 2018 0 comments Somali News
Ciidamada Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Galgala. [Sawir Hore]

Ciidamada Puntland oo dib ula wareegay magaalada Af-urur

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay magaalada Af-urur ee gobolka Bari, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters maanta oo Jimce ah, iyada oo soo xiganeysa saraakiil milatari. Kabtan Siciid Maxamed Diiriye ayaa Reuters u sheegay in ciidamada ay dib u qabsadeen Af-urur iyaga oo aan la kulmin wax iskacaabin ah. Magaalada ayaa qiyaastii 90 kiilomitir kaga beegan[Read More…]

by August 17, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. [Sawirka: Villa Somalia]

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo kulmay

Jabuuti-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay caasimada Jabuuti ee magaalada Jabuuti. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo[Read More…]

by August 16, 2018 0 comments Somali News
Madaxweyne Farmaajo. [Sawir Hore]

Madaxweyne Farmaajo oo isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha ammaanka.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha ammaanka. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maanta oo Khamiis ah ayaa u qorneyd sidaan: 1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. 2.S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 3.G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo[Read More…]

by August 16, 2018 0 comments Somali News
Axmed Abshir Surato, oo loo yaqaan Bakuuke. [Isha Sawirka: Facebook]

Xubin deegaan oo aan khibrad lahayn oo sheegay in uu u tartamayo duqa Garoowe

Garoowe-(Puntland Mirror) Mid kamid ah golaha deegaanka cusub ee dhawaan lasoo doortay ayaa hadda doonaya in uu u tartamo duqa Garoowe. Axmed Abshir Surato, oo loo yaqaan Bakuuke, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in uu u tartamayo duqa magaalada. “Waxaan ahay musharax duqa degmada Garoowe, waxaan rajeynayaa in aan guul ka gaaro doorshada dhici doonta dabayaaqada bisha 8aad,” ayuu yiri. Bakuuke,[Read More…]

by August 16, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Axmed Abshir Surato, oo loo yaqaan Bakuuke. [Isha Sawirka: Facebook]

Rookie councilor says he’s running for Garowe mayor

Garowe-(Puntland Mirror) One of the newly elected local councilors is now running for Garowe mayor. Ahmed Abshir Surato, known as Bakuuke, announced on Wednesday he is running for city mayor. “I am a candidate for Garowe mayor, hoping to win the election in late August,” he said. Bakuuke, a political neophyte, is a lecturer at the local University, Puntland State[Read More…]

by August 16, 2018 0 comments English News
National Airways  oo fadhida garoonka diyaaradaha Garoowe halkaas asbuucii lasoo dhaafay ay duulimaad ka bilowday. [Sawirka]

40 sanno kadib duulimaadkii diyaadareed ee ganacsi oo isku xira Muqdisho iyo Addis Ababa oo bilaabmi doona asbuuca soo socda

Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaaradii ugu horeysay ee ganacsi oo isku xirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in asbuuca soo socda ay kasoo degto garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle. Diyaarada National Airways, oo horey loo oran jiray Air Ethiopia, oo ah diyaarad ganacsi oo fadhigeedu yahay Itoobiya ayaa bilaabi doonta duulimaadka asbuuclaha ah ee[Read More…]

by August 15, 2018 0 comments Business, Somali News
Golaha baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]

Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay in dib loogu noqdo doorashada ku saleysan hab beeleedka

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado go’aamiyay habka ay u dhici doonto doorashada soo socota. Intooda badan xildhibaanada ka soo qeybgalay kulanka maanta ayaa meelmariyay lifaaqa saddexaad ee doorshada madaxtinimada Puntland kaasoo tilmaamaya in doorashada soo socota ay ku dhici doonto qaab beeleedka. Meelmarinta lifaaqa ayaa timid kadib markii Guddiga Doorashooyinka Puntland ay baarlamaanka kahor sheegeen in doorashada[Read More…]

by August 14, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Xoolaha dib looga soo dejinayo markabka. [Sawirka]

Xoolo dib loogu soo celiyay dekada Boosaaso

Boosaaso-(Puntland Mirror) Markab sida 27,000 xoolo isugu jira riyo iyo ido ayaa kusoo xirtay dekada magaalada Boosaaso galabnimadii Isniinta, sida ay sheegeen ganacsatadu. Markabka ayaa bil kahor ka tagay magaalada Boosaaso isaga oo ku sii jeeday dalka Scudii Caraabiya, balse haayadaha Sucuudiga ayaa diiday in xooluhu ay dalkooda tagaan, iyaga oo ku andacooday in ay qabaan qandhada Rift Valley. Dowladda[Read More…]

by August 14, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up