Wadahadallada doorashada Soomaaliya oo dib u furmay

Puntland Mirror
0 Min Read
Waa kulankii labaad oo labada dhinac ay yeeshaan. [Isha Sawirka: Villa Somalia]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wadahadallada u dhexeeya hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta oo Axad ah dib uga furmay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka doodaya arrimaha la xiriira doorashooyinka qaranka ee soo socda, maadaama muddada afarta sano ah ee xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay ku eg tahay bisha May 2026.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku adkaysanaysa in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod halka mucaaradku ay diiddanyihiin, iyagoo ku doodaya in aanay jirin waqti ku filan oo lagu qabto doorasho ku saleysan cod-bixin guud. Waxay taa beddelkeeda doorbidayaan nidaamka doorasho dadban, inkasta oo inta badan mucaaradka ay aragtiyo kala duwan ka qabaan qaabkii doorashadii 2022-kii, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo faragelin ay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ku sameeyeen soo xulista xildhibaanada beelaha.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *