Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland iyo Somaliland ayaa isdhaafsaday maxaabiis dhan 26 qof maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta labada dhinac.
Puntland ayaa sii deysay 16 maxbuus oo katirsanaa ciidamada Somaliland oo qeyb kamid ah ciidamada Puntland ay ku qabteen Goojacade halka Somaliland ay sii deysay iyana 11 maxbuus oo katirsanaa ciidamada Puntland oo ku qabteeb dagaalkii Sool.
Horaantii bishaan SSC-Khaatumo ayaa sii deysay 25 maxbuus oo Somaliland ah kadib safarkii Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ee gobolka Sool.