Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, ka dib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.
Inta uu booqashada ku joogo, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaare Scholz, iyadoo diiradda la saari doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka. Arrimaha muhiimka ah ee laga wada hadli doono waxaa ka mid ah dib-u-soo nooleynta mashaariicda farsamada gacanta, isbeddelka cimilada, horumarinta booliska Soomaaliya, howlgalka cusub ee Midowga Afrika, iyo qodobo kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.