Madaxweyne Deni oo u safray Imaaraadka Carabta booqasho aan la shaacin

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u dhoofay Isu-tagga Imaaraadka Carabta booqasho aan si rasmi ah loo shaacin, taas oo la mid ah safarro hore oo uu ku tegay dibadda oo aan bulshada la ogeysiin.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Deni uu halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo horey ugu sugnaa Imaaraadka.

Imaaraadka Carabtu waxa uu xiriir dhow la leeyahay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Inkastoo ajandaha kulankan aan weli la caddeyn, haddana kulankii hore ee Deni iyo Madoobe ku dhexmaray Dubai ayaa horseeday heshiis cusub, ka dib khilaaf soo kala dhexgalay xilligii doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 2022, taas oo Deni uu musharrax ka ahaa.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *