Madaxweynaha Soomaaliya oo Ereteriya u safray

Madaxweyne Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Villa Somalia]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ereteriya maanta oo Arbaco ah, waxaana safarkiisa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Inta uu ku sugan yahay Asmara, Madaxweyne Xasan waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*