Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa u safray Imaaraatka Carabta maanta oo Sabti ah.
Kahor inta uusan u safrin Imaaraatka, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wariyeyaasha u sheegay in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraatka Carabta.
Safarkiisa ayaa imaanaya iyada oo uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya dowlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Imaaraatka Carabta.