Golaha wasiiradda DFS oo ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyadda

Rasyulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominaya golaha wasiiradda, August 7, 2024. [Isha Sawirka: OPM]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyadda, kuwaasoo soo jeedinaya in doorasho dimuqraadi ah dalka laga qabto.

Sharcigan ayaa waxaa horey uga soo horjeestay siyaasiyiin xilal sare horey dalka uga soo qabtay.

Sanadkii hore 2023, madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa balanqaaday in uu soo afjari doono nidaamka ku dhisan qabiilka ee doorashada dadban.

Bishii Maarso 2024, baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka 15 qeybood oo kamid ah dastuurka qabyada ah kuwaasoo qeyb ka ah qorshaha hirgelinta doorasho dimuqraadi ah.

Sharciyada ay meelmariyeen golaha wasiiradda ayaa kadib la horgeyn doonaa golaha baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*