Deni oo Somaliland ku tilmaamay khatarta ugu weyn ee Puntland

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay khatarta ugu weyn ee wajahayso Puntland, kadib kulan wadatashi ah oo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ka qaybgalay kulanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxaana lagu gorfeeyay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka, gaar ahaan isbeddellada ka jira waqooyiga Soomaaliya.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in madaxweynaha uu diiradda saaray waxa uu ku tilmaamay “khatarta Somaliland,” inkastoo uusan weli si rasmi ah maamulka Puntland uga soo saarin go’aan la xiriira tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

Qaybo kamid ah isimada, culimada iyo bulshada rayidka ah ayaa si buuxda uga soo horjeestay aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *