15 qof in ka badan oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug

Tikniko ay leeyihiin maleeshiyo beeleed gobolada dhexe ee Soomaaliya. [Sawir Hore]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) In ka badan 15 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed maanta oo Khamiis ah ka dhacay gobolka Mudug, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay labo beelood oo ka soo jeedo kala jeedaPuntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay deegaan ku dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal khasaare geystay oo horay u dhexmaray labada dhinac, kaasoo qarxay bishii Oktoobar ee 2023.

Ma ay jiraan dadaalo muuqda oo ay wadaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo lagu joojinayo dagaalka khasaaraha badan dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*