Ciwaan Been ah: Muuqaalkan sheegaya in Baarlamaanka Puntland xasaanada ka qaaday Xildhibaan Liibaan Bedel waa mid click lagu raadinayo

Muuqaalka ayaa ku saabsan baarlamaanka oo u codaynaya is-casilaada waraaqda ka timid xildhibaanka oo soo shakhsi ah isku casilay.


Muuqaalkan Facebook-ka oo wata ciwaan sheegaya in baarlamaanka Puntland ay xasaanada ka qaadeen xildhibaan Liibaan Bedel ayaa ciwaankiisu yahay been.


Ciwaanka muuqaalka ayaa u qornaa “Baarlamaanka Puntland oo xildhibaan xasaanaddii ka xayuubiyay”.

Muuqaalka gudihiisa, guddoomiyaha golaha baarlamaanka Cabdirisaaq, ayaa iclaamiyay in xubin katirsan baarlamaanka oo si iskiis ah isku casilay. Xoghaynta baarlamaanka oo akhriyay warqada iscasilaada ee ka timid Liibaan Badal Shiikh Maxamuud, kaasoo sheegay in xildhibaanka isaga oo maskaxdiisu caadi tahay uu codsaday iscasilaada, uuna codsaday in laga aqbalo iscasilaadiisa. Afhayeenka baarlamaanka ayaa baarlamaanka u jeediyay in ay codeeyaan, iyadoo 34 xildhibaan ay aqbaleen in u codeeyeen iscasilaada.

Si loo xaqiijiyo muuqaalka, waxaan samaynay in aan Google reverse image ka baarnay anagoo oo muuqaalka ka qaadnay screen-shot, taasoo aan ku ogaanay in xildhibaanku uu iscasilay.

Puntland Mirror ayaa sidoo kale samaysay eray baaris ku saabsan muuqaalka taasoo aan ku helnay muuqaalka iyo muuqaalkan oo cadaynaya in xildhibaanku uu iscasilay.

Baaristeena muuqaalka waxa ay heshay in baarlamaanka uu ka dooday uuna u codeeyay warqada iscasilaada ee ka timid xildhibaanka oo si shakhsi ah isku casilay.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa xildhibaanada u sheegay in xildhibaan Liibaan Bedel uu u gudbiyay golaha Warqada iscasilaadiisa sababo isaga u gaar ah, waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay cod u qaadaan iscasilaadiisa.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka ayaa warqadda u akhriyay xildhibaannada ka hor inta aysan billaabin codeynta.

34 mudane ayaa aqbalay iscasilaada, saddex mudane ayaa diiday, saddex mudane way ka aamuseen, laba mudane oo ka tirsan hoggaanka golahana ma codayn.

Codeynta ka dib ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Cabdirisaaq Axmed waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in xildhibaanada ay aqbaleen iscasilaada xildhibaan Liibaan Bedel.

Si loo sii xaqiijiyo arrintaas, bog wareedka Puntland Mirror wuxuu la xiriiray xildhibaan Liibaan Bedel kaasoo xaqiijiyay inuu warqadiisa istiqaalada u gudbiyay golaha, xubnaha baarlamaankana ay ku aqbaleen cod furan.

“Tani waa cinwaan marin habaabin ah. Waxaan si rasmi ah warqadda istiqaalada ugu gudbiyay golaha,” ayuu ku sheegay mar uu telefoonka kula hadlay Puntland Mirror.

Puntland oo ku taal waqooyi bari Soomaaliya ayaa ka mid ah shanta maamul ee xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Bog wareedka Puntland Mirror oo baaray muuqaal la soo dhigay Facebook oo uu ku qornaa ciwaan sheegaya in baarlamaanka Puntland uu xasaanada ka xayuubiyay xildhibaan Liibaan Bedel ayaa ogaaday in muuqaalkaas uu lahaa ciwaan been abuur ah.

Xaqiiqa hubintan waxaa soo saaray bog wareedka Puntland Mirror kaasoo hoos imaanaya mashruuca African Fact-Checking Incubator programme, iyada oo taageero laga helayo PesaCheck, Code for Africa’s checking initiative, iyo African Fact-Checking Alliance (AFCA).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*