Cabdulqaadir Mahad Maxamuud oo loo doortay Guddoomiyaha Degmada Dangorayo

Puntland Mirror
0 Min Read
Cabdulqaadir Mahad Maxamuud, guddoomiyaha cusub ee Dangorayo. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Cabdulqaadir Mahad Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah loo doortay guddoomiyaha degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Cabduqaadir ayaa bedeli doona Maxamuud Cabdicasiis oo bartamihii sanadkii 2025 loo doortay guddoomiyaha balse dhawaan iscasilay kadib mooshin ay xildhibaanada ka keeneen. Degmada ayaa la kulantay mooshino badan, waana guddoomiyihii saddexaad tan iyo 2024 oo ay halkaas ka dhacday doorashadii golaha deegaanka ee hal qof iyo hal cod.

Guddoomiyaha cusub Cabdulqaadir ayaa muddo dhowr iyo toban sanno ka shaqaynayay arrimaha gargaarka bini’aadantinimada, gaar ahaana hay’adda World Vision.

Doorashadiisa xilligan waxay ku soo beegmaysaa xilli deegaanka iyo guud ahaan Puntland ay wajahayaan abaar daran, taasoo saamaysay boqolaal qof.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *