Booliiska Puntland oo sheegay in ay dib u soo qabteen mid kamid ah maxaabiis Al-Shabaab ah oo ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

Ciidamada booliiska Puntland. [Sawir Hore]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Booliska Puntland ayaa sheegay in ay dib u soo qabteen mid ka mid ah maxaabiistii Al-Shabaab ee todobaadkii hore ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo, kuwaasoo loo haystay dilal ka dhacay magaalada Galkacyo.

War qoraal ah oo booliiska ay soo dhigeen barta Facebook maanta oo Sabti ah, ayay ku sheegeen in ninka la qabtay lagu magacaabo Barkhad Cawil Xirsi, iyagoo sheegay in uu socdo ugaarsi lagu hayo xubnaha haray ee baxsadka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*