BEEN ABUUR: Sawirradan la sheegayo in ay yihiin 10,000 oo ka tirsan ciidamada Masar oo ku sugan Muqdisho ma ahan kuwo 2024

Sawirada waxaa markii hore la daabacay Abriil 4, 2021.

Qoraalkan la soo dhigay X oo horay loo oran jiray Twitter kaasoo wata sawirro muujinaya kolonyo ka tirsan 10,000 oo askari oo Masar ka socda oo Muqdisho soo gaaray waa BEEN ABUUR.

“Kolonyo ka kooban 10,000 oo askari oo Masar ah ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Taas oo ah in la dhaqan geliyo heshiiskii milateri ee Soomaaliya iyo Masar. Tani waa hal-ku-dheg u ah riyada raysulwasaaraha ee badda. In aysan si nabad ah kula noolaan dariskeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.


Sheegashadan ayaa lagu faafiyay in ay tahay heshiiskii ugu dambeeyay ee dhanka militariga ah ee dhexmara Soomaaliya iyo Masar si loo xoojiyo iskaashiga dhanka ammaanka ah.

14-kii Agoosto, sida laga soo wariyey halkan, waxa la saxiixay heshiis ka dib wadahadal laba geesood ah oo dhexmaray Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo booqasho laba maalmood ah ku tagay Qaahira.

Si kastaba ha ahaatee, si loo xaqiijiyo xaqiiqada sawiradan, bog wareedka Puntland Mirror ayaa Google-ka ku sameeyay sawir baaris wuxuuna ogaaday in sawirka ugu horreeya ee askarta la sawiran saanada milateri, lagu daabacay dhoolatus ciidan oo u dhexeeya Masar iyo Suudaan, sida halkan ka muuqata.

Sawirka labaad ayaa muujinaya ciidamada Masar oo ka dagaalamaya magaalada Darna ee dalka Liibiya. Waxa ay ku soo shaacbaxday baraha bulshada, sida uu baahiyay Libyan Observer.

Intaas waxaa dheer, baarista aan ka samaymay Google-ka kama soo bixin natiijooyin waafaqsan sheegashada kor ku xusan.

Bog wareedka Puntland Mirror oo baaris ku sameeyay qoraalka wata sawirada ee lagu sheegay 10,000 kolonyo ciidamo Masar ah oo yimid Muqdisho ayaa ogaaday in qoraalkaas uu been abuur yahay.

Xaqiiqa hubintan waxaa soo saaray bog wareedka Puntland Mirror kaasoo hoos imaanaya mashruuca African Fact-Checking Incubator programme, iyada oo taageero laga helayo PesaCheckCode for Africa’s checking initiative, iyo African Fact-Checking Alliance (AFCA).


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*