Muqdisho-(Puntland Mirror) Boqolaal dad ah ayaa Muqdisho isugu soo baxay maanta oo Isniin ah si ay u taageeraan madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dadka ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin hal-ku-dhigyo lagu taageerayo Madaxweynaha oo looga soo horjeedo mooshinka laga keenay.
Qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa Axadii guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.