Laascaanood-(Puntland Mirror) Dowladda Shiinaha oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SODMA) ayaa gargaar bini’aadantinimo soo gaarsiisay magaalo-madaxda maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood.
Gaadiidka sida gargaarkan oo ka koobnaa raashin ayaa gaaray magaalada Laascaanood maanta oo Sabti ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Bini’aadanimada iyo Maaraynta Masiibooyinka ee SSC-Khaatumo.
Qoraal ay boggeeda X ay soo dhigtay SODMA ayay ku sheegtay qiyaastii 20,000 qoys oo ku sugan deegaanada SSC-Khaatumo ay ka faa’idaysan doonaan.