Deni oo Boosaaso u tagay bilaabida dagaal ka dhan ah Daacish

Deni oo ka degaya diyaarad garoonka Boosaaso, October 3, 2024. [Isha Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta diyaarad ku tagay magaalada Boosaaso.

Deni ayaa halkaas u tagay si uu ugu dhawaaqo dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ama ISIS, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka agdhow xafiiskiisa.

Kooxda Daacish ay qorsheynaysa inay isku ballaariyaan deegaanadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa dhawaan xaqiijiyay in kooxdan ay isku diyaarinayaan weeraro ay ku fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Daacish ayaa fariisimo ku lahayd deegaanada buuralayda gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015. Kooxda ayaa weeraro ka geystay magaalada Boosaasku kuwaasoo ay ku bartilmaameedsaday masuuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*