Zlatan Ibrahimovic oo ku biiri doona naadiga Manchester United

Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soo tagi doono xerada tababarka Sweden kahor Euro 2016 si uu ugu saxiixo Manchester United.

34 jirka waxa uu bilaash uga tagayaa Paris Saint-Germain,  waxaana xiise leh in ay dib Old Trafford ugu midoobi doonaan Jose Mourinho.

Sida laga soo xiganayo Daily Mirror, Ibrahimovic waxa uu qandaraas sanad ah qalinka ugu duugi doonaa Red Devils kahor kulanka ugu horeeya ee Sweden ee Euro-ga.

United waxa ay si ba’an u dooneyso dhaliye dab ka shida waaxdeeda duulaanka madaama ay ololaha iminka dhamaaday ay shabaqa la heleen 49 oo qura, tiradii ugu yareed ee ay dhaliyaan taariikhda Premier League.

Ibra, waxa uu 50 gool u dhaliyey 51 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkii tagay.

Rug cadaaga waxa uu rabaa mushaar toddobaadkii dhan £300,000.

 

Xigasho: Wakaaladaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*