Yaa iska leh hubkii ay qabteen ciidanka badda Puntland?

Sawirka: Hubka ay qabteen ciidanka badda Puntland oo saxaafada loo soo bandhigay.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa shalay subax oo Sabti ahayd qabtay dooni lagu soo raray hub ka yimid dalka Yemen.

Doonida ayaa siday hub fudud iyo mid culus oo ay kamid ahaayeen qoryaha AK-47, sanaaduukh rasaas ah, iyo madaafiicda lidka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha PMPF.

Doonida hubka siday oo magaceeda la dhaho Al Faruq ayaa ciidanu ku qabteen deegaan xeebeed u dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Yaa leh hubka?

Ilo-wareedyo madax-banaan oo xog ogaal ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in nin ganacsade ah oo deegaanka ah uu leeyahay hubka ay doonidu siday.

Ninka ayaa ah mid muddo sanadooyin ah ka shaqayn jiray iibinta hubka sharci darada ah, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Xaggee hubku u socday?

Saraakiisha dowladda Puntland ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin halka hubka uu u socday, balse ilo-wareedka ayaa noo sheegay in ganacsadaha uu hubka geeyo ilaa koonfurta Soomaaliya, mase cadda cida uu ka gado.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan hubka meeshii loo waday.

Wadahadalo u dhaxeeya ganacsadaha iyo dowladda

Ilo-wareedka ayaa noo sheegay in ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya ganacsadaha hubka leh iyo masuuliyiinta sare ee dowladda, wadahadalada ayaa looga arrinsan doonaa sidii ay dowaladdu ka yeeli lahayd hubkaas tirada badan ee sharci darada ah.

Hubka ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka PMPF, sida ilo-wareedku sheegeen.

Dalka Yemen ayaa ah meelaha ugu badan oo ay Soomaaliya kasoo galaan hubka sharci darada ah iyadoo dalka ay saarantahay cuno qabataynta hubka ee ay Qaramada Midoobay kusoo rogtay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Bare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*