Xubin katirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dhiibay maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Bay

Xubinta katirsan Al-Shabaab ee isa soo dhiibtay. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubin katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah isku dhiibay maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay sheegeen saraakiisha halkaas jooga.

Ninka isa soo dhiibtay oo lagu magacaabay Ibraahim Mansuur Cusmaan ayaa ahaa xubin katirsan Al-Shabaab muddo sagaal sanno ah, sida ay sheegeen saraakiishu.

Taliyaha ciidanka maaulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa warbaahinta u sheegay in ninka isa soo dhiibay uu xiriir la soo sameeyay kahor inta uusan isa soo dhiibin.

Tirada dagaalyahanada Al-Shabaab ee isa soo dhiibay ayaa kordhaysay bilihii u dambeeyay, sida uu dhawaan sheegay taliyaha ciidama Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaan Indhoqarshe.

Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kamid meelaha ay ku xooganyihiin maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo muddo sannoyin ah dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*