Xubin ajnabi ah oo lagu dilay khilaaf ka dhex dhashay maleeshiyada Al-Shabaab ee degmada Jilib

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay xubin katirsan oo ajnabi ah, sida wararku sheegayaan.

Macluumaad ay warbaahintu ka heleen deegaankaas ayaa sheegaya in khilaaf uu ka dhex dhashay xubno katirsan maleeshiyada.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii xubno katirsan maleeshiyada la damcay in la xiro kadib markii laga shakiyay in ay kasoo horjeedaan Al-Shabaab.

Xubnahaas ayaa looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda ISIS, sida wararku sheegayaan.

Koox katirsan Al-Shabaab ayaa weerartay masaajid kuyaala Jilib halkaas oo ay ku jireen kooxda la doonayay in la qabto balse mid kamid ah ajaaniibta masaajidka ku jiray ayaa diiday in uu is dhiibo kadibna bumbo gacmeed lasoo baxay taasoo keentay in la toogto, ninkaasayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Masri, oo u dhashay dalka Masar kanatirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale deegaankaas ka qabatay ilaa 100 qof oo isugu jira xubno katirsan maleeshiyada iyo dadka deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*