Xoolo dib loogu soo celiyay dekada Boosaaso

Xoolaha dib looga soo dejinayo markabka. [Sawirka]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Markab sida 27,000 xoolo isugu jira riyo iyo ido ayaa kusoo xirtay dekada magaalada Boosaaso galabnimadii Isniinta, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Markabka ayaa bil kahor ka tagay magaalada Boosaaso isaga oo ku sii jeeday dalka Scudii Caraabiya, balse haayadaha Sucuudiga ayaa diiday in xooluhu ay dalkooda tagaan, iyaga oo ku andacooday in ay qabaan qandhada Rift Valley.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin xoolahaas la soo ceshay ee ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*