Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee saldhiga Halgan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay weerarkii Khamiistii lagu qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya  oo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, saldhigaas oo ku yaala deegaanka Halgan ee bartamaha Soomaaliya.

“Xoghayaha Guud wuxuu ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta al-Shabaab,” sidaa ayuu Xoghayaha ku yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka Banki-moon.

“Wuxuu markale ugu celiyay Qaramada Midoobay taageerada aan laba-labaynta lahayn iyo dadaalada loogu dhisayo Soomaaliya nabad-buuxda iyo xasilooni,” sidaa ayuu sidoo kale bayaanka ku yiri.

Mr. Ban ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaskii kuwii ku dhintay weerarka wuxuuna u rajeeyay soo kabasho deg deg ah askarta dhaawacantay.

 

(Warkan Waxaanu kasoo xiganay, UN News Centre, waxaa turjumay Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*