Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
New York-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn u cambaareeyay weeraradii ka dhacay Muqdisho dabayaaqadii asbuucii hore.

Antonio Guterres ayaa bayaan ku sheegay in u tacsi tiiraanyo leh uu u dirayo qoysaskii dhibku soo gaaray iyo dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ayaa ku ceshay mar labaad in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga taageerayso Soomaaliya la dagaalanka argagixisada iyo raadinta nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.

Fiidnimadii Jimcadda, ugu yaraan 45 qof ayaa ku geeriyooday labo qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho, oo ay masuuliyadooda sheegteen xagjiriinta Al-Shabaab.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up