Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo soo dhaweeyay dib u heshiisiinta Geeska Afrika

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
New York-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay safarka ay wasiiradda arrimaha dibada ee Eriteeriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ku tageen dalka Jabuuti, isagoo ku tilmaamay tilaabo muhiim u ah dib u heshiisiinta ka dhaxeya dalalka Geeska Afrika.

Bayaan uu soo mariyay Afhayeenkiisa Sabtidii, ayuu Xoghayaha Guud ku sheegay heshiiska dhexmaray afarta dal in uu horey u qaadi doono soo celinta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka uuna tusaale fiican u yahay gobolka iyo caalamka kale.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerayso dalalkaas gobolka kuyaala.

Khamiistii, Eriteeriya iyo Jabuuti ayaa isku afgartay in lasoo celiyo xiriirka kadib toban sanno oo uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhaxeeyay. Labada dal ayaa ku muransanaa xuduuda tan iyo sanadkii 2008-dii.

Gobolka Geeska Afrika ayaa la kulmay tilaabooyin diblomaasiyadeed oo yidadiilo leh tan iyo markii Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu go’aan ku gaaray in uu si buuxda u aqbalo heshiiskii xadka ee 2002-dii kaasoo daba socday dagaalkii 1998 ilaa 2000 dhexmaray Eriteeriya.

Soomaaliya iyo Eriteeriya ayaa sidoo kale bishii July dabayaaqadeedii isku afgartay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*